Sunday, July 13, 2025

Dalladaha Waxbarashada Muqdisho oo diiday Go’aankii Wasaaradda iyo G/Banadir

Dalladaha Waxbarashada Goboka Banaadir ayaa diiday amar kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada oo lasoo marsiiyey Agaasinka Waxbarashada Gobolka banaadir oo ku sabsanaaxilliga la fulayo Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare ee dalka.

Warark la helayo ayaa sheegaya in Dalladaha Waxbarashada ee maamula Dugsiyada Gobolka Banaadir intooda badan ay go’aankooda ku wargeliyeen Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir, iyadoo caddeeyay inaysan sanad dugsiyeedkan fulin karin amarka ah in Iskuulada la furo 2-da Bisha September.

Go’aanka ay qaateen Dalladaha Waxbarashada ayaa loogu sheegay wasaaradda in sanadka danbe ka hor aanu dhaqangeli karin go’aanka Wasaaraddda, waxayna ku doodeen inaan wax talo ah la weydiin, laguna soo wargelin arrintan ka hor amarka soo baxay.

Dugsiyada Waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa furmi doona 29-ka July oo ku beegan Berri iyo 5-ta Ogost, lama oga tallaabada ay qaadi doonaan Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, inkastoo Wasiir Faarax la sheegay inuu ogolaaday go’aanka Dalladaha Waxbarashada.

Qoraal shalay kasoo baxay Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay, iyadoo la fulinayo amarka Wasaaradda in wax ka badel lagu sameeyey sannad dugsiyeedka 2023-2024, iyadoo Sannad dugsiyeedkan 2023/2024 ay Iskuulada furmi doonaan 2-da Sebtembar, ayna xirmi doona 6da Juun, 2024.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON