Thursday, June 26, 2025

Dalxiisayaal Jarmal ah oo lagu dilay Weerar Mindi oo ka dhacay Masar

Nin ku hubeysan ayaa weerar ku qaaday dalxiisayaal ku sugnaa magaalada xeebta Badda Cas ku taalla ee Al-Qardaqah.

Laba qof oo dalxiisayaal ah una dhashay dalka Jarmalka ayaa lagu diley weerarka, iyadoo lagu dhaawacay afar kale. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Masar ayaa sheegtey in gacanta lagu hayo ninkii weerarka geystey.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerarkan, waxayna wakaalada wararka soo weriyeen in dadka la dhaawacay ay u dhasheen dalka Czeck.

Dadka dhintay iyo kuwa lagu dhaawacay weerarkan ayaan weli la shaacin magacyadooda, waxaana dowladaha ay ka soo jeedaan la filayaa inay war kasoo saaraan weerarka dadkooda ku qabsaday dalka Masar.

Weerarrada argagixiso ayaa ku sii badanaya dalka Masar iyadoo tan iyo markii xukunka dalkaasi la wareegeen ciidamada milateriga ay xaaladiisu kasii dartay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON