Danjiraha cusub ee dowladda Soomaaliya u magacawday dalka India Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) laga guddoomay Waraaqihii Aqoonsiga safiirnimo, kadib markii uu qaabilay Madaxweynaha India Ram Nath.
Safiiradda cusub oo laga soo wareejiyey magaalada Jeneva ee dalka Switzerland, kadib markii ay codka Somalia siisay qaraar lagu taageerayo Isra’iil ayaa xilkan loo magacaabay, waxaana safiirada waraaqaheeda aoonsi ka guddoomiyaha Madaxweynaha India, iyadoo uu wehliyey la-taliyaha kowaad ee safaaradda Axmed Maxamuud Maxamed(Axmed xiish) iyo xubno kale.
Danjiraha Soomaaliya ee dfalkaasi Hindiya Faadumo C/llaahi Maxamuud ayaa kulan la yeelatay madaxweynaha dalka Hindiya Mr Ram Nath Kovind oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka dhinaca diblomaasiyadda ee Soomaliya iyo Hindiya,iyo sidii wadashaqeyn dhow ay u dhexmari lahayd safiirka cusub iyo madaxda dalkaasi Hindiya.


