Monday, July 14, 2025

Danjiraha Somalia ee Sudan & la-taliyaha koowaad oo lagu amray inay degdeg Muqdisho kusoo galaan, kadib..

Qoraal kasoo baxay wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa loogu yeeray inay si degdeg ah magaalada Muqdisho ku soo galaan safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan iyo la-taliyaha koowaad ee safaaradda.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Suudaan Maxamed Isaaq Ibraahim iyo La-taliyaha koowaad ee safaaradda Cusmaan Axmed Maxamed ayaa lagu amray inay Muqdisho ku tagaan muddo 4 maalmood ah oo ka bilaabaneysa 21-ka bishan Febraayo kuna eg 25-ka Febraayo 2020, iyadoo sii-haye safaaradda loogu magacaabay Axmed ismaaciil Xuseen oo ahaa la-taliyaha labaad.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii labadan Mas’uul uu dhowaan dhex maray khilaaf keenay inay gacanta isula tagaan, iyadoo khilaafkaasi uu hareeyay shaqadii Safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, taasoo keentay in degdeg loogu yeero si ay u tagaan magaalada Muqdisho oo arrintooda looga hadlayo.

Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Khartoum ee dalka Suudaan ayaa muddo dheer waaa heystay khilaafaad iyo fadeexado ku saabsan safiiro iyo diblomaasiyiin is khilaafsan, iyadoo aan weli xal loo helin xaaladda safaaradaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON