Wakiilka IGAD ee Arimaha dalka Somaliya Danjire Maxamed Cabdi Afeey, ayaa shaaca ka qaaday in uu olole xoogan u gelaayo sidii maxkamada caalamiga ah ee Hague ay xafiis uga furan laheyd dalka Somaliya.
Ujeedada ka dambeysa amuurtaan ayuu sheegay inay tahay in la helo meel lagula xisaabtamo madaxda Somalida ee abaabula dagaalada dadka shacabka ah dhibaatada ay ka soo gaareyso.
Afey oo u warramay BBC-da ayaa sheegay wixii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo wax aanan la aqbali karin inay ahaayeen, waxaana uu sheegay hubkii la isku adeegsaday inay la mid ahaayeen kuwa ka dhacaya dalka Syria.
Wakiilka IGAD ee arimaha Somaliya Maxamed Cabdi Afeey, ayaa tilmaamay in Beesha caalamka uu u soo jeediyay in Xafiis Somaliya ay ka furato Maxkamada caalamiga si baaritaan loogu sameeyo xasuuqa shacabka, kadibna maxkamada la soo taago dadka lagu helo kiisaskaasi.
Afeey wuxuu tilmaamay hadii Madaxda Somalida aanan loo helin meel lagula xisaabtamo oo maxkamad caalami ah inuusan joogsaneyn xasuuqa shacabka Somaliyed lagu haayo.
Arbacadii aynu soo dhaafnay hadal uu ka jeediyay Magaalada Gaalkacyo Danjire Afeey ayaa wuxuu si kulul ugu canaantay Madaxda Somalida ee caadada ka dhigtay xasuuqa shacabka Somaliyed, wuxuuna sheegay hadii aysan xilalka u gudan karin sidii loogu talo galay inay xilalka iska wareejiyaan.
Goobjooge.com