Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Danjiraha cusub ee dalkiisa u fadhin doona Soomaaliya u soo magcaabay Richard H. Riley.
Diblomaasigan ayaa noqdo dooba safiirka cusub ee Maraykanka u joogi doona Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay aqalka cad.
Danjire Richard Riley oo noqonaya Safiirka cusub ee Soomaaliya loo soo magacaabay ayaa haatan xil sare ka haya wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka, gaar ahaan safaaradda Maraykanka ee Canada.
Wuxuu hore u soo qabtay xilal kala duwan, sida madaxa ergada ee safaaradda Mareykanka ee Dalka Afghanistan, wuxuu soo noqday hoggaanka sare ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, isago ahaa Ku-xigeenka Madaxa Hawlgalka ee Safaaradda Maraykanka ee Sanca, Yemen (2015-2017) iyo Sarkaalka Sare / Qunsulka Guud ee Atlantic Canada ee Qunsuliyadda Guud ee MaraykankaCanada (2012-2015).
Waxa uu laba jeer kasoo shaqeeyay dalka Ciraaq, isagoo noqday Isuduwaha Sare ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqda Aadanaha Safaarada Mareykanka ee Baqdaad.
Muddo ka badan 30-sano ayuu ka shaqaynayey Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka , isagoo noqday Agaasime Ku-xigeenka Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda u qaabilsan dalka Masar, Urdun, Syria, iyo Lubnaan
Richard Riley waxa uu bartay luuqadaya Pashto, Mandarin Chinese, Carabi, Ruush, iyo Faransiis. Wuxuuna ka qalin jebiyay Jaamacadda Harvard, iasgoo bartay shahaadda Ganacdiga MBA iyo MS ee Istaraatiijiyada Amniga Caalamiga ee Jaamacadda Difaaca Qaranka, iyo BBA Jaamacadda Georgia.
Richard H. Riley oo kasoo shaqeeyey dalalka Pakistan, Afghanistan, Iraq, UK, China, Russia iyo Yemen, wuxuu bedelaya asafiirka Maraykanka haatan u jooga Soomaaliya ee Larry Andre oo dhowaan xilkaasi banneynaya.
