Monday, June 23, 2025

Danjire Reer Galbeed ah oo sagootin cajiib ah loogu sameeyay Villa Somalia [Sawirro]

Danjiraha dalka Sweden u fadhiyay dalka Soomaaliya Mikael Lindvall ayaa maanta loo sameeyay xaflad heer sare ah oo lagu sagootiyay.

Sagootootinta oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada waxaa hormuud ka ahaa Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,  Wasiirka Arrimaha Dibadda & iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar iyo Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka & Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Danjire Lindvall oo muddo gaaraysa 5 sano ka shaqaynaayey dalka ayaa ka guddoomay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Agab iyo Dhar astaan u ah Hiddaha & Dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa sheegay in Safiirka Sweden mudadii uu Soomaaliya joogay uu howl aad u baaxad leh qabtay, isla markaana Sweden ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliya.

SAWIRRO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON