Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan Ciidamada dowladda Hoose ee Minishiibiyada uu dil u geystay wiil dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa Mooto Bajaaj.
Dilka ayaa ka dhacay degmada Xamarweyne, waxayna dad goobjoogayaal ay ah sheegeen inuu askariga minishiibiyada ah uu si bareer ah u toogtay wiilka watay Mootada uu rasaas ku furay markii uu muran dhex maray.
Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Askarigii dilka geystay, waxaana la sheegay inuu xiran yahay. Ciidamada dowladda hoose ee loo yaqaan Minishiibiyada ayaa si gaara u bartilmaameedsada darawallada Mooto bajaajta oo ay wadooyinka u taagan yihiin si ay lacago canshuur ah uga qaadaan, waxaana soo batay dilalka ay ku kacayaan ciidamadaasi.
Dhawaan ayay aheyd Markii Askari ka tirsan Ciidanka Minishiibiyada uu afaafka hore ee xarunta degmada Waaberi si bareer ah ugu toogtay wiil dhalinyaro ah oo ku shaqeysanayay Mootada Bajaaj.