Dabley hubeysan oo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay toogasho ku dilay Wiil Dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa mooto bajaaj.
Dilka ayaa ka dhacay qeybta laga raaco gaadiidka aada Suuqa Bakaaraha ee xaafada Suuqa Xoolaha degmada Hilliwaa ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa geystay laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo dadka degaanka ay tilmaameen xilliga dilka ay geysteen in goobta ay ka baxsadeen.
Ragg hubeysan ayaa qeybta sare ee jirkiisa waxa ay ka toogteen wiilkan Dhalinyarada ah, kadibna waxa ay ka qaateen telefoonkiisa gacanta iyo furaha Bajaajta.