Tuesday, June 24, 2025

Darawal Mooto Bajaajle ahaa oo toogasho lagu dilay Muqdisho iyo Askari ka danbeeyay oo….

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya uu toogasho ku dilay Darawal Mooto Bajaajle ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay Isgoyska Ex Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in askariga ka danbeeyay dilka darawalka Mooto Bajaajta ay xireen ciidamadii Booliska ee ku sugan Barta koontorool ee Ex Koontorool Afgooye, kuwaasoo uu ka tirsanaa.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu Darawalka Mootada ku amray inuu istaago, balse uu amarkaasi fulin waayey, kadibna uu askarigu rasaas ku furay darwalka oo isla goobta ku geeriyooday, waxaana halkaasi meydka ka qaaday ciidamada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON