Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laba darawal oo watay mootada Bajaajta lagu dilay magaalada.
Dilka hore ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha agagaarka Shirkadda Hormuud, waxaana dilkiisa ka dambeeyay koox bistoolado ku hubeysan oo rasaas ku furay, kadibna goobta ka baxsaday. Ninkan ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Qaloocow.
Dhinaca kale dil kale oo lagu dilay Bajaajle kale ayaa ayaa isla galabta lagu dilay suuqa Xamarweyne agagaarka Masjidka Marwaas, waxaana jidka oo ciriiri ahaa ay keentay inuu askari hore rasaas ku furo, halkaasoo darawalka bajaajlaha u ku naf baxay.
Ciidamada Booliska Xamarweyne ayaa qabtay askariga dilka geystay oo la sheegay in ciidamada hore looga saaray, sida uu sheegay taliyaha saldhigga Xamarweyne
Darawalkii Bajaajlaha ahaa ayaa isla Goobta ku geeriyooday,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la qabtay Askarigii ka dambeeyay dilka Darawalka Bajaajlaha ah sida uu xaqiijiyay taliyaha saldhigga Afar irdood Xasan Duullane Xersi.
Goobjooge