Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ay sheegay inuu ruxay Wadadda mashquulka badan ee Maka Almukarama gaar ahaan inta u dhaxeysa hoteelada Weheliye iyo Dayax, iyadoo ciidamada ammaanka goobtaasi xireen loona diiday gaadiidka iyo dadka.
Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya inuu jiro qasaare ka dhashay qarax, iyadoo ay goobta gaareen gaadiidka gargaarka degdegga ah.
Dadkii ugu horeeyay e goobta tegay ayaa arkay dhaawacyada inuu qof qaraxa ku dhintay 5 kalena ay ku dhawacmeen.
SAWIRRO: Qaraxii ka dhacay ka dhacay magaalada Muqdisho & Wararkii ugu danbeeyay