Thursday, June 26, 2025

DEDGEG: Taliyihii Ciidamada Xoogga Dalka oo Is-casilay [AKHRISO: Yaa lagu bedelay?]

Wararka laga helayo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya inuu xilka iska casilay Taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Axmed Jimcaale Geedi (Cirfiid).

Istiqaaladda Jen. Cirfiid ayaa loo gudbiyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyadoo wararku sheegayaan inuu madaxweynaha aqbalay si-casiladda Taliyaha ciidamada xoogga dalka. Waxaana maanta lagu ansixiyay Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya shirkoodii Khamiislaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka taliyaha ciidamada Xoogga dalka u magacaabay Gen. Cabdi Jaamac Warsame (Gorod), waxaana mudadda uu xilka hayay Jen. Cirfiid aya ahayd 6 bilood oo noqoneysa xilligii ugu yaraa ee taliye uu hayo xilkan.

Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka ayaa hore uga tirsanaa ciidamada cirka soomalaiya isagoo ka gaara heer Duuliye, Waxaa kaloo dowladii C/qaasim ee KMG ahayd uu kasoo noqday Wasiirka Dekedaha.

Arrintan ayaa loo aaneynayaa culeyso badan oo taliyaha uga yimid Beeshiisa iyo dhacdooyin dhowr ah oo ciidamada milateriga ku lug yeesheen, taasoo keentay inuu xilkiisa u gudan waayo sidii uu doonayay.

Goobjooge

DEGDEG: Wasiirkii Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON