DEDGEG: Warbaahinta oo looga saaray fadhigii Xaaladda Amniga ee Baarlamanka [Akhriso]

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh ayaa furitaankii kulanka kadib soo jeediyey in kulanku noqdo mid ay albaabada u xiran yihiin.

Guddoomiye Mursal ayaa ka codsaday inay xildhibaannada la qaataan go’aankaasi, laakiin buuq ayaa hareeyay kulanka iyadoo xildhibaannada taageersanaa inay saxaafaddu kulanka tebiso ay qeylo iyo buuq goobta ka sameeyeen.

Markaas kadib ayaa cod loo qaaday in saxaafaddu ay kulanka qeyb ka noqoto iyo in dibadda loo saaro oo kulanku noqdo mid xiran, waxaana xildhibaannada intooda badan u codeeyeen in saxaafadda dibadda looga saaro kulanka, taasoo keenay in shirku noqdo mid qarsoodi ah oo albaabada u xiran yihiin.

Ad

104 Xildhibaan ayaa u codeysay inuu fadhigu noqdao mid xiran oo laga saaro saxaafadda, halka 42 xildhibaan oo qura ay taageereen in saxaafaddu qeyb ka ahaato fadhiga, taasoo muujineysa taageerada xukuumadda ku leedahay Baarlamaanka dhexdiisa.

Xildhibaanada u codeeyay in saxaafadda ay kulanka qeyb ka ahaato ayaa bilaabay buuq iyo qas ka socda Baarlamaanka, iyagoo ku doodaya inay kulanka isaga baxayaan haddii saxaafadda laga saaro, inkastoo cod lagu kala baxay, haddana waxaa muuqata in fowdo loo bedelay arrintii.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

126,301FansLike
1,073FollowersFollow
3,207FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!