Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee maamulka Jubbaland ayaa maanta xukun Dil Toogasho ah ah ku ridday Deeqoow Caliyow Kuusow (Muhaajir) oo 19-sano jir ah oo ka mid ahaa afar dabley ah weerar ku qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo 12-kii July 2019.
Wiilan oo ku dhashay degaanka Iidaale ee Gobolka Bay, wuxuu Alshabaab ka mid ahaa muddo 2 sano ah, isagoo ka howlgalay Gobolka Hiiraan, Wuxuuna Hotelka Cascasey galay isgoo wada QOri AK 47 ah, 10 Qasnad iyo 5 Bambo. Wuxuu sheegay in uu dadkan ka aaminsanaa inay yihiin Gaallo markii uu Alshabaab la joogay.
“Marka aan banaanka joogay runta ayaa sheegaa Muslim kama aaminsaneyn, Gaallo inay yihiin dadkan ayaa aamisanaa.. ciidamada aan ka mid ahaa waa Qaacqaac.. Hotelka waxaa la iigu sheegay inuu ajnabi joogo, Duuliyaha diyaaradaha ku weerarra mujaahidiinta Alshabaab ayaa jooga ayaa la igu dhahay.. Haddii sida aan hadda wax u ogahay aan u ogaan lahaa Baddaan oo dhan maba geli lahayn… Dhalinyaronimo ayaa la igu gaaday…” ayuu yiri eedeysane Deeqow Caliyow.
Wuxuu sheegay inuu Hoeelka weerar ku galay, inta uu hubana uu gacantiisa ku dilay Anig a 4 qof, waxaana dhaawac lagu qabtay isagoo dagaalamaya. Markii maanta xukunka lagu riday wuxuu ahaa qof saaran Gaariga dadka naafada ah, waxaana ka muuqaay inuu lugaaha ka naafoobay.
Bashiir Maxamed Xareed garsooraha 1-aad ee maxakameda ciidamada Jubaland ayaa ku dhawaaqay xukunka wuxuuna sheegay in maxkamadad ay Xukun dil ah ay ku xukuntay danbiile Deeqoow Caliyoow.

