Saturday, July 12, 2025

Senator Falxado Deeqow oo cudurdaar ka bixisay War ay ka faafisay kulankii Kheyre & Siyaasiyiinta Kenya

Haweeney kasoo jeeda Soomaalida Waqooyi-Bari Kenya oo ka Senatorada Aqalka sare ee Kenya, laguna magacaabo Falxada Deeqow Iimaan ayaa cudurdaar ka bixisay, boggeeda Facebook-na ka saartay qoraal xaalad dhaliyey oo ay ka faafisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

Falxado oo ka mid ahayd Siyaasiyiinta Soomaalida Kenya ee uu maanta magaalada Nairobi kula kulmay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay in Xasan Cali Khayre uu balanqaaday inuu xal waara u raadin doono Dacwada Badda ee Kenya iyo Soomaaliya.

Muddo kadib waxay qoraalkaasi ka saartay boggeeda, iyadoo cudurdaar bixisay, qoraalkeedii hore, iyadoo sheegtay in arrimaha ay ku sheegtay qoraalkeedii hore aan looga hadin kulanka dhex maray Ra’iisal wasaarihii hore, qoraalkeeduna ahaa mid marin dhinacyo badan marin habaabin ah. ayna iyada iyo xafiiskeeda aad uga xun yihiin dhaawaca iyo qaska uu abuuray qoralkaasi.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa maanta qoraal uu faafiyey oo ku saabsanaa wixii looga hadlay shirkii Nairobi ku yiri: “Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya. Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin. Horay waxaan wadatashiyo dhaxal gal ah ula yeeshay Shacabka Soomaaliyeed ee aan caasimadda dalka kula kulmay iyo madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna.”

Lama oga in waxa ku kalifay Senatoorada Soomaalida kneya inay qoraalkan ku halgaado Ra’iisal wasaare Kheyre oo ku jira ololihiis ugu horeeyay ee Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna durba arrintan noqotay mid si weyn loogu hadal hayo baraha bulshada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON