Tuesday, June 24, 2025

DEGDEG: 60 Xildhibaan oo shaaciyay inay ka horjeedaan Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisal wasaare Kheyre

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay inay si buuxda uga horjeedaan xukuumadda uu shalay soo dhisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyrre.

Xildhibaanadan oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay tiradoodu dhan tahay 61 xildhibaan ayaa Ra’iisal wasaaraha ku eedeeyay inuu ka beyray wixii laga sugayay. Idiris Dhaqtar oo afhayeen u hadlay beesha uu kasoo jeedo ayaa sheegay in Digil iyo Mirifle la siiyay wasiiro aan tayo lahayn.

Waxay sheegeen inuusan dalku qaadi karin xukuumad 70 xubnood ku dhow, isla markaana qaabka awood qeybsiga meel looga dhacay. Waxay ku goodiyeen inay Baarlamaanka ku sugayaan xukuumadda iyadoo eedeeyay Ra’iisal wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Xildhibaandan ayaa ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxayna dhaliilsan yihiin qaabka awood qeybsiga xukuumadda cusub.

Xildhibaanadan ayaa wararku sheegayaan inay intooda badan xilal ka rajeynayeen Golaha wasiirada cusub, waxaana muuqata in madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyrre ay soo wajaheyso xaalad adag.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON