War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax weyn uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba, qaraxa ayaa ahaa miino lagu qarxiyay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Kismaayo.
Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa burburiyay gaari ka mida kuwii ay wateen ciidamada AMISOM, waxaana arrintani ay ka dhacday Wadada Afmadow ee magaalada Kismaayo oo ay ku socdaalayeen ciidamada AMISOM.
Ma jirto faahfaahin ku saabsan qasaaraha uu qaraxaasi dhaliyay oo la sheegay inuu ahaan mid xoog leh oo magaalada Kismaayo laga maqlay, waxaana jira warar aan la xaqiijin oo ka hadlaya dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidamada qaraxa lala beegsaday.
Goobjooge.com