Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Afhayeenkii Aqalka Cad ee Mareykanka oo xilka iska Casilay

Afhayeenkii Aqalka Cad ee Mareykanka Sean Spicer  ayaa iska casilay xilka iyadoo goor dhoweyd lagu dhawaaqay arrintan.

Sean Spicer ayaa la sheegay inuu ku adkeystay inuu xilka ka tago inkastoo madaxweyne Trump uu doonayay inuu sii hayo, waxayna arrintan ka danbeysay markii madaxa warfaafinta ee Aqala Cad loo magacaabay nin lagu magacaabo Anthony Scaramucci oo ka mida dadkii dhaqaalaha ururiyay ololihii doorashada Trump, taasoo uu ka horjeeday afhayeenka is casilay.

Afhayeenka xilka ka tegay ayaa muddo 6 bilood ku shaqeynayay xaalad adag iyo cadaadis weyn isagoo shaqadiisa ay sii adkeeyeen qoraalka uu barta twitter-ka ku gudbiyo Madaxweyne Trump.

Afhayeenkii Aqalka Cad ee Mareykanka Sean Spicer
Afhayeenkii Aqalka Cad ee Mareykanka Sean Spicer

“Waxay ii ahayud sharaf inaan u adeego qaranka, lana shaqeeyo Madxweyne Trump, waanan sii wadi doonaa inaan usii shaqeeyo..” ayuu ku yiri Sean Spicer qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Saxaafadda Mareykanka ayaa Sean Spicer ku tilmaantay afhayeenkii dhibaatada ugu badan ka muta Aqalka Cad taariikhda oo xaalad qalafsan ku dhex shaqeeyay, iyadoo markii danbena uu doortay inuu isaga tago la shaqeynta madaxweynaha isbedelka badan ee Donald Trump.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON