Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Akhriso Jadwalka cusub ee Doorashada Soomaaliya 2016 loo sameeyay [XOG CULUS]

Waxaa Goobjooge.com u suuragashay inay hesho jadwalka  Madasha Qaran ee Madaxda Soomaalida isla garteen inay ku dhacdo doorashada 2016 oo muddo laba bilood ah lagu daray.

Jadwalka ayaa muujinaya in doorashada madaxweynaha ay dhaceso 7 Novembar, halka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dhici doonto 28-ka Oktoobar 2016.

Hoos ka akhriso Jadwalka cusub ee Doorashada:

August 2016

4 Aug – 6 Aug

  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka ay ka dhacayaan (tusmaynta madax dhaqameedyada )
  • Musharaxiinta hadii kursi hal qof kaliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga
  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan (hadii aysan dhisnayn ka hor xiliga doorashada);
  • Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banadir iyo howl-galintooda
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka;
  • Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee labada aqal ee Barlamaanka
  • Ansaxinta iyo Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016

7-13 August

  • Diyaarinta Xafiisyada GDGDD ee Xarumaha Doorashada

MHQ


14 Aug -20 Aug

  • Tababarka Guddiyada doorashooyinka federal iyo heer maamul Goboleed (GDGDD) (Mudadan waxay isugu jirtaa Imaanshaha iyo Noqoshada)

GFHDD/UN


21 Aug – 24 Aug

  • Tababarada 135 Madax dhaqameedyada
  • Qaadashada warqadaha Aqoonsiga .

GDGDD/GFHDD


September 2016

25 Aug – 10 Sep

  • 135 ta Madax dhaqameed ayaa soo gudbinaya liiska magacyada ergada
  • Xalinta Khilaafaadka ee Ergooyinka
  • Shaqaalaynta iyo tababarada howlwadeenada doorashooyinka
  • Madax Dhaqameedka /GDGDD/GFHDD

25 September

  • Dhisida iyo soo gudbinta  xildhibanada Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn bisha September 25-da, 2016

MHQ


11-30 September

  • Baahinta Waqtiga Diiwaangalinta Musharixiinta
  • Hubinta shuruudaha Musharaxa iyo Diiwaangalintooda
  • Diiwaangalinta Korjoogtada.

GFHDD

October 2016

01-14 October

  • Doorashada Golaha shacabka

GDGDD/GFHDD


15- 17 October

  • Hubinta iyo ku dhawaaqidda natiijada kama dambaysta ah

GFHDD


18 October

  • Dhaarinta Golaha Shacabka

Maxkamadda Sare


28 October

  • Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka

Baarlamaanka


7 November

  • Doorashada Madaxweynaha Jamuuriyadda Federalka Soomaliya

 

UGAARA GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON