Wararka laga helayo magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada kooxda Alshabaab ay Caawa weerar culus ku qaadeen magaalada, iyadoo dagaal xoogan uu iminka soconayo.
Dadka degaanka aya sheegay in dagaalku qarxay markii xoogaga Al Shabaab ay weerar la beegsadeen ciidamada dowadda ee difaacaya magaalada, iyadoo la is weydaarsanayo hubka culus iyo midka fudud.
Dagaalamayaasha Alshbaab ayaa la sheegay inay qeyb ka midka magaalada soo galeen iyadoo dagaal qaraar la galay ciidamada milateriga qeybta 14-ka Oktobar ee magaaladaasi dhowaan qabsaday.
Qasaaraah dagaalaka ayaan weli la ogeyn waxaana warar is khilaafsan kasoo baxayaan qaabka dagaalku u socdo, iyadoo ay hore magaalada uga qaxeen dad fara badan.