Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay dib u qabsadeen degaanka Jannaale oo ay saaka isaga baxeen kadib markii uu dagaal ku dhex maray ciidamada AMISOM iyo maleeshiyo beeleed degaanka ah oo la socday.
Saacado kooban kadib ayaa la sheegay inay soo rogaal celiyeen kooxda Alshabaab oo dagaal labada dhinac ku dhex maray Duhurnimadii, taasoo keentay in AMISOM iyo ciidamadii lasocday ay dib uga gurtaan magaalada Janaale iyo degaanada ku dhow.
Dadka degaanka ayaa soo sheegay in Alshabaab ay dib u qabsatay Jannaale iyadoo dadweynihii degaanka ay ka barakaceen.
Goobjooge.com