Wararkii ugu danbeeyay ee Puntland laga helayo ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay la wareegeen saaka degaanka Garmaal ee ka tirsan degmada Eyl ee Gobolka Nugaal, waxaana maamulka Puntland soo wajahay xaalad degdeg ah.
Dadka degaankaasi ayaa sheegaya in Al-shabaab maleeshiyo ka tirsan ilaa 400 ay la wareegeen degaanka Garmaal ee Gobolka Nugaal oo hoos taga maamulka Puntland.
Ciidamada ALshabaab ee qabsaday saaka degaanka Garmaal ayaa watay Doomo ay ku soo gaareen halkaasi sidii shalay ka dhacday degaanka Garacad oo kale. Alshabaab ayaa u muuqata inay la timid qorshe cusub oo dhinaca xeebaha ay ku weerareyso degaano ka fog meelaha ay ka taliso.
Xaalad kacsan ayaa ka jirta degaanada xeebaleyda ah ee Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in Alshabaab ay weeraraan magaalada Boosaaso oo leh dekadda ugu weyn ee ah isha dhaqaale ee maamulka Puntland.
Golaha wasiiradda Puntland oo uu Shir Guddoominaya Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa Xalay Kulan deg deg ah ka yeeshay Arrimaha ku aadan Shabaab ee soo galay degaanada Puntland, waxaana jira dhaqdhaqaaq lagu doonayo in ciidamo loogu diro xeebaha Puntland magaalooyinka ku yaala.
Goobjooge.com