Sunday, July 13, 2025

Alshabaab oo sheegatay inay Weerar Gaadmo ah ku dishay Abaanduulihii Guutada labaad iyo..

Alshabaab aya asheegtay in weerar gaadmo ah oo ka dhacay duleedka degmada Balcad, Gobolka Sh/Dhexe ay ku dishay saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Milareriga Dowladda Soomaaliya.

War kasoo baxay Xarakada Alshabaab ayaa lagu caddeeyay in dagaal saacado qaatay uu ciidamada dowladda iyo Alshabaab ku dhex maray degaanka Yaaqle ee duleedka degmada Balcad, iyadoo Alshabaab ay shaacisay in dagaalkaasi lagu dilay 11 askari oo tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Abaanduulihii Guutada Labaad ee ciidamada dowladda Gaashaanlle Dhexe Cali Khaliif oo ahaa ku-simihii taliyaha guutada labaad iyo Ku xigeenkiisi oo magaciisa lagusoo gaabiyay C/Kariim Hilowle ayay Alsahbaab sheegtay inay ku dishay halkaasi, isla markaasina ay ku gubtay saddax ka mida gaadiidka dagaalka ee Tiknikada oo ciidamada dowladda ay leeyihiin.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhinaca ciidamada dowladda Somalia, wuxuuna dagaalkan ku soo beegmayaa xilli ciidamada dowladda la dejiyo jidka isku xira Balcad iyo Jowhar oo Alshabaab weerarro joogto ah ku qaadaan.

Wararkii ugu danbeeyay in sarkaal sare uu ku dhaawacmay miino gaari uu la socday loo dhigay intii uu socday dagaalka, markii ay dib u gurasho sameeyeen ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON