Xarakada Alshabaab ayaa War cad kasoo saartay dilkii ciidamada Mareykanka u geysteen guddoomiyihii u qaabilsanaan G/Banaadir Sheekh Cali Maxamuud Xuseen (Cali Jabal).
Bayaan ay soo saareen Alshabaab ayaa lagu xaqiijiyay geerida Sheekh Cali Jabal kadib muddo 20 maalmood ah markii Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya ay shaacin in duqeyn uu ogolaaday madaxweynaha Soomaaliya lagu dilay.
Bayaanka Hoggaanka sare ee Alshabaab ayaa Sheekha ku tilmaamay shahiid ku baxay gacanta caddowga, waxayna u rajeeyeen jano, iyagoo intaas ku daray inay jidkiisa ku socon doonaan.
30 July ayaa Sheekh Cali Jabal lagu dilay duqeyn ka dhacday agagaarka degaanka Tooratorow ee Gobolka Shabeelada Hoose, weerar ay geysteen ciidamo Mareykank ah oo lagu duqeeyay gaari uu la socday.