War hadda soo dhacay ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan ururka Alshabaab ay dagaal xoog leh ku qaaden xero ay ciidamada dowlada Federaalka ku leeyihiin degaanka Laantabuur ee duleedka Degmada Afooge gobolka Shabeelaha Hoose.
Xerada Laantabuur waxaa ku sugnaa ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo fariisin ka dhigtay muddo dhowr sano ah, waxaan weerarka caawa lagu qaaday uu ka mid yahay weeraro Alshabaab ka waday gobolka Bilooyinkii la soo dhaafay.
Weerarka ayaa la sheegay inuu yahay mid culus, waxayna dadka degaanka ku warameen rasaas culus iyo madaafiic ay is weydaarsanayaan labada dhinac…. waxaan weliba socda dagaalkaasi oo maqribnimadii bilowday…
Faahfaahinta la soco..
Goobjooge.com