Tuesday, July 1, 2025

DEGDEG: Askarigii dilay Wasiirkii Howlaha Guud oo xukun Culus lagu riday

Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa goor dhoweyd u xukun dil ah ku riday askarigii ku eedeysnaa inuu dilay wasiirkii Howlaha guud ee xukuumadda  Soomaaliya.

Askarigan oo ilaalo u ahaa hanti dhowrkii guud ee hore Nuur Jimcaale ayaa lagu magacaabaa Axmed C/llaahi Cabdi, waxaana lagu helay inuu ka danbeeyay dilka isagoo furay rasaastii uu ku geeriyooday Wasiirkii hore ee Howlaha guud Cabbaas Sheekh C/llaahi Siraaje.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa markii ugu horeysay xukunkan u adeegsaday marqaati ahaa video ay duubtay kaamerada wadooyinka lagu xiray ee CCTV.

Eedeysana ayaa qaadan kara rafcaan inkastoo la filayo in arrintiisu ku dhammaato tiirka, marka la eego culeyska uu leeyahay kiiska.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa dhinac kale fasaxday Cismaan Salaad Barre oo Maxkamaddu ay sheegtay in lagu waayday wax dambi ah. Xeerilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay Xukunka dilka ee lagu riday Dable Xoogga Axmed C/llaahi Cabdi.

Goobjooge.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON