Wararka laga helayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaya in askartii ugu horeysay ee lagu tababarray dalka Eritea ay goor dhoweyd soo gaareen caasimada Muqdisho.
Askartan oo in ka badan 3 sano ku sugnaa dalka Eritrea ayaa diyaaradii ugu horeysay kasoo degtay Garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo duulimaad toos ah uga soo qaaday Eritrea.
Ciidamadan Soomaaliya ee lagu tababatay dalka Eritrea ayaa gaaraya 5000 askari, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu dhowaan shaaciyey in dalka lagu soo wada celin doano aakhirka Bishan Disembar 2022 ilaa Janaayo 2023.