Baarlamaanka Galmudug Garabka magaalada Cadaado ayaa madaxweyne doortay kadib kulan maanta ay yeesheen oo ay isu soo sharxeen laba musharax.
Doorashadan oo ay ku tartameen musharixiinta kala ah: Axmed Maxamuud Baasto iyo C/xakiin Cali Guure ayaa waxaa shir guddoominayey oo natiijada ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.
Natiijada doorashada ee lagu dhawaaqay ayaa noqotay inuu Axmed Maxamuud Baasto ku guuleystay xilka Madaxweynaha Galmudu,g isagoo helay 52 cod, halka musharaxa kale ee C/xakiin cali uu helay 8 cod u qura, waxaanao lagu dhaariyey isla fadhiga lagu doortay, waxaana hadda ay Galmudug yeelatay laba madaxweyne.
Khilaafka siyaasadda ee muddo dheer kasoo taagnaa madaxda Maamulkaasi ayaa loo caal waayey markii uu dhacay heshiiskii Galmudug iyo Ahlu suna, waxayna hadda xaaladu gaartay meeshii ugu xumeyd.