Musharax Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa ku guuleystay Doorashadii Madaxweynaha Galmudug oo cod aqbaliyad leh ka helay wareegii koowaad ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo goor dhoweyd ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.
Musharaxan oo ka tirsanaa xukuumadda Soomaaliya ayaa ahaa musharaxa ay wadatay dowladda Soomaaliya, waxaana la tartamay saddex musharax oo xilli danbe kusoo biiray tartanka markii ay ka baxeen Doorashada musharixiintii mucaaradka.
Wareegga koowaad ayaa laga rabay musharaxa guuleysanaya 2/3 (laba meelood saddex) tirada Baarlamaanka Galmudug, waxaana codadkii ugu badna helay musharax Qoorqoor oo wareegii koowaadna uu kusoo baxay, sidii la saadaalinayey.
Natiijada rasmiga ah waxaa ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxayna noqotay:
1: Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) = 66 Cod
2: Cabdiraxman Axmed Sabriye = 1 Cod
3: Axmed Shire Maxamed (Falagle) = 1 Cod
4: Axmed Cabdullaahi Samatar = 9 Cod
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu yahay Madaxweyaha cusub ee Galmudug.