Xildhibaanada labada aqal ayaa isku raacay in tirada dhismaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha la kordhiyo.
Mooshin soojeedin ahaa oo ay keeneen 15 xildhibaan ayaa lagu dalbaday in 6 xubnood la siiyo Aqalka sare maadaama uu ka kooban yahay lix maamul ayaa la isku raacay, taasoo keentay in in tiradii hore ee Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo ahayd 15 hadda laga dhigo 16 xubnood.
Codeynta oo gacantaag ahayd ayaa waxaa taageertay 117 Xildhibaan oo labada aqal ah, Waxaa diiday 50 xildhibaan iyado ay aamuseen 4 xildhibaan.
Goobjooge.com