Monday, July 14, 2025

DEGDEG: Baarlamaanka oo sharci darro ka dhigay dhiibistii Qalbi Dhagax [Akhriso Natiijada codka]

KulankII Xildhibaanada Golaha Shacabka maanta lagu dhageystay Guddigii loo xil saaray in ay baaritaan ku soo sameeyaan kiiskii Qalbi dhagax.

Guddiga ayaa sheegay in dhiibistii Qalbi dhagax ay aheyd Sharci daro ahayd, isla markaana khalad weyn  la galay markii  Muwaadinkaasi loo dhiibay Itoobiya, waxaana iyadoo kadib cod loo qaaday Arinta muranka dhalisay.

Talooyinka Guddiga Loo xil saaray Arrintii Qalbi dhagax Golaha Shacabku waa ay ansixiyeen, waxayna natiijadii noqotay.
152 ayaa ogolaatay sharci darrada dhiibista Qalbi dhagax
6 way diiday .
3 aamustay.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in ay Sharci darro aheyd dhiibistii Qalbi dhagax loona baahan yahay in ay Jawaab ka bixiso Xukumadda Soomaaliya. Dhiibistii Qalbi dhagax ayaa lagu eedeeyay Taliska Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya Islamarkaana aan laga tashan hay’adaha garsoorka ee Dalka.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON