Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Bannaanbaxyo looga horjeedo Wadooyinka xiran oo ka bilowday ee Magaalada Muqdisho

Wararka laga s helayo magaalada Muqdidsho ayaa sheegaya in bannaanbax balaaran uu ka socdo  Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay halkaasi isugu soo baxeen darwaallada Gaadiidleyda ku shaqeysata mooto Bajaajta.

Isu socodka Wadaddda ayaa xirmay markii ay isugu soo baxeen mootooyin fara badan oo Darawalladii watay ay ka cabanayaan xirnaansha Wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo sheegay in ciidamada aysan fulin Amarkii Madaxweynaha oo ay qaati ka taagan yihiin isu socodka magaalada.

Cabashada dadweynaha ee ku saabsan xirnaanshaha Wadooyinka iyo dhibaatooyinka lagu hayo Gaadiidleyda ayaa sii kordheysa, waxaana ay gaartay heer ay adkeysan waayaan, iyadoo laga cabsi qabo inay sii kordhaan bannaanbaxyadaasi.

Ciidamad amniga ayaa si  joogto ah u toogta darawallada mooto bajaajta, waxaana qaarkood ay cabasho ka muujiyeen hab dhaqanka ciidamada dowladda oo Subaxdii hore wadooyinka fura, kadibna galabtii xira, si xunna ula dhaqma dadka gaadiidka wata.

Ciidamada Booliska oo tegay Isgoysa KM4 ayaa waanwaan kadib ku qanciyey bannaanbaxayaasha Bajaajleyda ah inay furaan wadadda oo dibad baxa joojiyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON