Friday, June 27, 2025

DEGDEG: Barlamaanka Soomaaliya oo ku baaqay in ciidamada Kenya laga saaro dalka Soomaaliya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray go’aan ku saabsan in ciidamada Kenya ay ka baxaan dalka Soomaaliya, waxaana dood laba maalmood ka socotay Baarlamaanka oo ay qoraal ahaan u soo diyaariyeen Guddiga arrimaha dibadda iyo gudaha ee Baarlamaanka shirkii maanta laga soo saaray iyadoo dowladda Soomaaliya loogu baaqay inay Golaha ammaanka ka codsato in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya.

Baarlamaanka ay baaqiisa ku sheegay in Midowga Afrika, Jaamacada Carabta iyo Golaha ammaanka ka shaqeeyaan sidii ciidamo bedela kuwa Kenya loogu soo diri lahaa Soomaaliya. Qaraar sharci ahaa looga soo saarayo Baarlamaanka ayaa la soo diyaarin doonaa iyadoo muddo 48 saacadood ah ay golaha ku hor keeni doonaan guddiyada arrimaha dibadda iyo Gudaha ee Baarlamaanka, waxaan u codeeyay in qaraar Baarlamaan laga soo saaro 160 xildhibaan oo ka mida 162 xildhibaan oo shirka fadhiyay.

Qaraarka ka soo baxay Baarlamaanka Federaalka ayaa dowladda ugu yeeray inay si degdeg ah u fuliso arrintan, una hor geyso golaha ammaanka codsiga ah in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya iyo howlgalka AMISOM ee ay qeybta ka yihiin.

Olole ay waday xukuumadda Cumar  C/rashiid oo lagu doonayay in lagu baajiyo  arrintan ayaa fashilmay kadib markii Baarlamaanku ku adkeystay go’aankan oo culeys diblomaasi ku keenaya xukuumadda Soomaaliya oo aan dooneyn inay qaado tallaabada Baarlamaanku farayo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON