War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Siyaasiga C/raxmmaan C/shakuur oo u xiran dowladda Soomaaliya goor dhow loo geynayo odayaal dhaqameed uu hormuud u yahay Imaamka Beelaha Mudulood oo guddoon u ah dhaqanka Hawiye.
Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii uu Imaam Maxamed Yuusuf ka dalbaday in loo keeno C/raxmaan C/shakuur, taasoo madaxda sare ee dowladda Soomaaliya ay aqbaleen, waxaana arrintan goobjoog ka noqonaya siyaasiyiin kooban.
Siyaasiyiinta goobjooga ah ayaa waxaa ka mida guddoomiyaha Gobolka Banadir, Sheekh Yusuuf Indha-cadde iyo xubno kale.
Kulanka ayaa ka dhacaya guriga Guddoomiyaha Gobolka Banadir ku yaalla degmada C/casiis oo kasoo horjeeda guriga Imaam Maxamed Yuusuf, ciidamada NISA ayaa lagu wadaa inay goor dhow C/raxmaan C/shakuur halkaasi geeyaan.
Waxaa socda dadaallo ay wadaan madaxda maamul goboleeyada, Guddoomiyaha G/Banaadir iyo Odayaasha dhaqanka Hawiye oo lagu doonayo in lagu sii daayo siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA