Wednesday, July 16, 2025

DEGDEG: Cabdi Qeybdiid oo loo doortay Guddoomiyaha Guddi muhiim ah

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) loo doortay Guddoomiye guddi muhiim ah.

Cabdi Qeybdiid ayaa loo doortay guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka oo ah guddi ka kooban labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Qeybdiid ayaa helay 6 cod, halka uu C/raxmaan Faroole ka helay 4 Cod, waxaana ku adkaaday doorasadii Cabdi Qeybdiid oo 10-kii xubnood ee Guddiga ay 4 ka mida siiyeen codkooda.

Waxaa xilkan si weyn  u doonayay oo olole weyn u galay madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.

LA SOCO FAAFHAAHINTA..

Musharixiinta ku tartamay xilka guddoomiyaha Guddiga ayaa kala ahaa:

1 – Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid

2- C/Raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole

XUBNAHA GUDDIGA DIB U EEGISTA DASTUURKA WAXAY KALA YIHIIN:

  1. Sen. C/raxmaan Maxamed Maxamud (Faroole)
  2. Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid
  3. Sen. Xuseen Sheekh Maxamud
  4. Sen. Cabdikarim Maxamed Xasan
  5. Sen. Iftiin Xasan Imaan.
  6. Cismaan Xaaji Cali
  7. Maxamed Cabdillahi Kaamil
  8. C/Rashiid M.Xasan
  9. Burhaan Aadan Cumar
  10. Axmed Abdul Ruush

Faroole & Cabdi Qeybdiid oo ku tartamaya Guddoomiyaha Guddi muhiim ah [Warbixin]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON