Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ee ay xilka ka qaadeen xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeele ayaa ka hor yimid xil ka qaadista lagu sameeyay.
Shir jaraa’id oo uu dhowaan ku qabtay magaalada Jowhar ayuu ka sheegay inay sharci darro tahay oo aanay waxba ka jirin tallaabadii ay kalsoonida ugala noqdeen xildhibaanada Hirshabeelle.
Wuxuu caddeeyay inuu isagu yahay madaxweynaha rasmiga ah ee Maamulka Hirshabeelle, isla markaana aanu aqbali doonin in koox is abaabushay oo sharci darro wada ay qalalaase geliso maamulka Hirshabeelle.
Xaaladda Jowhar ayaa saaka u eg mid xiisado siyaasadeed ay ka jiraan iyadoo goor dhoweyd dhinaca kale ay madaxweyne KMG ah ugu dhawaaqeen inuu yahay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, iyadoo muddo 30 maalmood ah lagu qaban doono doorasho madaxweyne cusub, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre.
XOG: Muxuu damacsan yahay Madaxweynaha la casilay ee Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble.?