Monday, June 23, 2025

DEGDEG: Ciidamada Ahlu suna oo dagaal ka bilaabay degaanka Guriceel…

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo taageersan Ahlu suna ay dagaal ka bilaabeen magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamada Ahlu suna ayaa la sheegay inay dagaal xoog leh ku qaadeen saldhigga Booliska Guriceel oo ay ku sugnaayeen ciidamo taageersan maamulka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya, waxaana halkaasi ka qarxay dagaal u dhaxeeya labada dhinac.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalka uu weli ka socdo saldhigga Guriceel, ayna ciidamada Ahlu suna ay la wareegeen maleeshiyadii Ahlu suna, wuxuuna dagaalkani salka ku hayaa dagaalka kale ee ka socda magaalada Dhuusamareeb, kaasoo dhex maraya ciidamada dowladda iyo Ahlu suna ee ku jira xerada INJI.

Ad

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee NISA ayaa dagaal rogaal celis ah dib ugula wareegay saldhigga Booliska magaalada Guriceel, oo ay hore u qabsadeen maleeshiyadii Ahlu suna, waxayna dadka degaanka ka cabsi qabaan in xaaladu kasii darto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON