Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ay ku sii jeedaan magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose oo ay shalay isaga baxeen kadibna ay qabsadeen maleeshiyada Alshabaab.
Ciidamada labada dhinac ayaa ku sugan duleedka magaalada oo ay kasoo ruuqaansadeen salhigga AMISOM ee Ceeljaalle waxayna wararku sheegayan in xaalad dagaal ay gashay magaalada Marka. Rasaas teelteel ah ayaa laga maqlayaa duleedka magaalada, waxaana laga cabsi qabaa dagaal halkaasi ku dhex mara labada dhinac.
Wixii soo kordha nala soco….
Goobjooge.com