AMISOM ayaa ku dhawaaqday inay bilowday ka bixitaanka Soomaaliya oo aakhirka sanadkan ay ciidamada AMISOM kala baxeyso Soomaaliya 1000 askari.
Shir jaraa’id oo goor dhow uu xafiiskiisa ku qabtay wakiilka Midowg Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira ayuu ku sheegay in AMISOM ay ciidamadeeda dib ugala baxeyso Soomaaliya ayna ku soo beegantay xilli xasaasi ah ayna doonayaan in si tartiib ay uga dhammaan doonaan Soomaaliya.

Wuxuu caddeeyay in go’aanka ay dalka uga baxayaan ciidamada AMISOM ay gaareen Midowga Afrika iyo Q/Midoobay, iyadoo aakirka sanadkan 31-ka Janaayo oo ay naga xigto wax ka yar laba bilood ay AMISOM kala baxeyso 1000 askari.
Francisco Caetano Madeira ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ka baxaya Soomaaliya aysan dhibaato u keeni doonin xaaladda Soomaaliya, isla markaana la hubin doono inaysan noqon mid wax udhinta xaaladda ammaanka Soomaaliya.
“Bixitaanka ciidamada AMISOM ee bilowday hadda ilaa 31-ka December waa inuusan noqon mid xaalad abuura…” ayuu yiri Amb. Francisco Caetano Madeira oo saxafiyiinta u sharxday qaabka ciidamada AMISOM uga baxayaan dalka iyo saameynta ka dhalan karta.
Ciidamada Soomaaliya ayuu sheegay inay u baahan yihiin tababar, qalab iyo hub culus si ay ula wareegeen ammaanka, waxaana uu sheegay in mushaar joogto ah ay ciidamada Soomaalida meel loo saaro.
Shirka jaraa’id ee wakiilka Midowg Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Caetano Madeira ayaa weli socda, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan ciidamada Itoobiya ee bedeli doona kuwa AMISOM. AMISOM ayaa beenisay in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo galeen Soomaaliya.