Wednesday, June 25, 2025

DEGDEG: Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo dib ula wareegay Magaalada Marka

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay goor dhoweyd dib ula wareegeen magaaladaasi oo shalay ay banneeyeen.

Ciidamada iskaashanaya oo kasoo baxay xerada weyn ee Ceeljaalle ayaa galay magaalada Marka oo ay dhinacooda isaga baxeen maleeshiyada Alshabaab, waxaana la maqlay rasaas goosgoos ah, waxaana dagaal kooban kadib ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen magaalada.

Magaalada Marka oo ah istiraatiiji, ayaa 24 saacadood gudahood gashay laba gacan iyo laba ciidan oo iska horjeeda, waxaana la is weydiinayaa sababtii ciidamada dowladda uga baxeen oo ay soo shaac baxayaan inay la xiriirto tabasho dhinaca saadka iyo musharaadka ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON