Sunday, July 13, 2025

DEGDEG: Ciidamada Galmudug oo soo furtay shaqaalihii Markab ay Burcad badeed qafaalatay

Wararka laga helayo maamulka Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug ay soo furteen shaqaalihii Doon ganacsi oo dhowaan ay afduubteen koox burcad Badeed ah.

Wararka ayaa sheegaya in burcad badeedka oo qafaalatay 8 ka mida shaqaalihi Hindida ahaa ee Doonta MSV Ak-kauser laga soo furtay shaqaalahaasi, kadib  howlgal dhowr maalmood ka socday dhul miyi ah.

Ciidamada nabadsugidda  Galmudug iyo kuwa maamulkaasi oo ku daba joogay kooxda burcad badeedka ayaa soo babdaadiyay shaqaalahan oo ay Doonta kala degeen burcad badeedka isla markaana hore u kaxeysteen.

Wararka ayaa sheegaya in sidoo kale la qabtay afar ka mida kooxdaii burcad badeedka, halka qaar kale ay baxsadeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON