Tuesday, June 24, 2025

Ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan oo qabsaday Markab oo Ingiriisku leeyahay

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada ilaalada kacaanka dalka Iiraan ay qabsadeen Markab sita calanka Ingiriiska oo marayey gacanka Hormuz.

Markabkan oo lagu mgacaaabo Stena Impero, ayaa siday shidaal, waxaana la socday 23 shaqaale, iyadoo ay soo weerarreen Doomo yaryar oo kuwa dagaalka ah iyo diyaarad Helikobtar ah oo ay leeyihiin ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan, iyadoo la geeyay gudaha biyaha dalka Iiraan.

Markabka Stena Impero oo ka diiwaan gashan dalka Ingiriiska ayaa ku socday dalka Sacuudiga, iyadoo weli wax war ah kasoo bixin dowladda UK oo sheegtay inay xaaladda daraasad ku heyso, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in Markab kale oo Ingiriiska leeyahay ay qabsadeen ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan.

Markabka dambe ayaan warbixin buuxda laga heynin, waxaana wararkii ugu horeeyay sheegayaan inay sidatay calanka Liberia, balse ay lahayd shirkad Ingriis ah. Shirkadda leh markabkan aya sheegtay in la sii daayey markii muddo ay heysteen ciidamada Iiraan.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii ciidamada Ingiriiska ay qabsadeen Markab weyn oo shidaal oo Iiran ay lahayd Grace 1, kaasoo weli lagu heysto jasiirada Gibraltar, iyadoo sabab looga dhigay inuu shidaal u siday dalka Syria.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON