Dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn oo xalay iyo saaka laga dareemay ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Ceelbuur ayaa la sheegay inuu isu bedelay ka bixitaan ay ciidamadasi uga guurayaan Ceelbuur.
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay ka baxeen saldhigoodii Ceelbuur, sida ay shaacisay warbaahinta Alshabaab.
Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur oo aan ku sugneyn degmadaasi ayaa sheegay inay isaga baxeen ciidamada Itoobiya, waxyna ciidamada Itoobiya isugu tageen magaalada Dhuusamareeb.
Maleeshiyad Alshabaab ayaa isla markiiba gudaha u galay Ceelbuur oo ay dib ula wareegeen; waxayna ahayd magaalo go’doon ah oo laga guuray, kadib markii Alshabaab ay go’doon geliyeen kooxda Alshabab.
Ciidamada Itoobiya ayaa muddo 3 sano ah ku sugnaa Ceelbuur halkaasoo markii danbe ay go’doon ku galeen, taasoo keentay isku dhac joogto ah oo dhex mara Alshabaab iyo ciidamada Itoobiya.
Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe Itoobiya wadatay horaantii sanadkii 2016 oo uu codsaday in la hakiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh.
La soco wixii soo kordha..