Thursday, June 26, 2025

DEGDEG: Ciidamada Itoobiya oo weerar ku qaaday Guri uu Garbahaarey kaga sugnaa Maxamed Cabdi Kaliil

War aanu ka helnay degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya inuu gudaha Magaaladaasi isku dhac kooban  ku dhex maray ciidamo Itoobiyaan ah iyo ciidamo ilaalo u ah   Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo xalay soo gaaray magaaladaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil

Isku dhaca ayaa yimid markii Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu  tegay Garbahaarey, kadibna ay ka war heleen ciidamada Itoobiya iyo maamul taabacsan Axmed Madoobe. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa weerar ku qaaday maanta guri  uu ku sugnaa Gudoomiye Kaliil degmada Garbahaarey, waxaana wehliyay Guddoomiyaha Garbahaarey Iimaan Cadoow Kaarshe.

Iska hor imaad ka dhacay halkaasi  ayaa al sheegay in kadib arrinta la qaboojiyay sida uu sheegay Cali  Ibraahin  Xuseen oo ka mida saraakiisha Ciidamada Milateriga  dowladda ee ku sugan Degmada Garbahaareey ciidamada Itoobiya ayaa loo diiday inay qabtaan oo ay xiraan  Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, waxaan weli ka taagan halkaasi xiisad iyadoo labada ciidan ay is hor fadhiyaan.

Dhageysato codka sarkaalka

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON