War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan ay qabsadeen Bar koontarool oo laga soo galo magaalada Garowe ee caasimadda maamul goboleedka Putland.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin daraawiishta Puntland, waxaana isla ciidamadii dhowaan qabsaday xarunta baarlamaanka Puntland ee Garowe oo waanwaan looga saaray.
Xaaladda cusub ee caawa ka taagan Garowe, ayaa la sheegay inay xiisad ka abuurtay magaalada iyadoo ciidamadan aan la xalin arrimihii ay ka cabanayeen ee mushaar la’aanta, taas bedelkeedna ay Wasaaradda Maaliyadda Puntland beenisay ciidamo aan mushaar la siin.
Xaaladda ayaa kacsan iyadoo ciidamada la wareegay koontaroolka Koonfureed ee magaalada laga galo ay joojiyeen gaadiidka.
Goobjooge.com