Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka uu dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Iska hor imaadyo maanta hareeyay magaalada Muqdisho ayaa dhex maray ciidamada xasilinta caasimadda iyo ciidamo kale oo ka tirsan mialteriga, waxayna ka dhaceen degmooyin dhowr.
Iska hor imaadyada ayaa la weriyay in lagu dilay ilaa lix askari, waxayna ka dhaceen degmooyinka Hodon, jaamacadda Gaheyre, Wadajir, Kaawo Godey iyo Xamar weyne, Ceelgaabta.
LA SOCO FAAHFAAHINTA