Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tiran dowladda Soomaaliya ay ku dagaalamayaan xaafadda Kaawo-Godey ee degmada Dharkeynley, magaalada Muqdisho.
Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa xaafaddaasi iyadoo ay tahay maalintii labaad oo labada dhinac ay dagaalaam, waxaana la sheegay inuu dagaalku salka ku hayo muran dhul, iyadoo ciidamo milateri ah oo qaab beeleed u abaabulan ay rasaas ka dhex socoto.
Shalay ayaa is rasaaseyn daqiiqado socotay oo labada ciidan dhex martay waxaa ku dhintay qof ganacsade ahaa oo rasaastu haleeshay , waxaana socon weysay waanwaan ay waxgarad ka dhex wadeen labada dhinac, iyadoo uu maanta dagaalkii dib u qarxay.
Dadka degan xaafadda Kaawo Godey ayaa bilaabay inay ka qaxaan xaafadda la isku heysto, waxaana weli socota rasaasta.