Ciyaaryahanka u dhashay dalka Masar ee u ciyaara kooxda Liverpool ee dalka Ingiriiska Mohamed Salah ayaa ku guuleystay abaalarinta sanadlaha ah ee BBC African Footballer 2017.
Laacibka Mohamed Salah ayaa ku guuleystay codad badan, wuxuuna abaal marintan ka qaaday oo kaalinta labaad galay laacibka u dhashay dalka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang, waxaa ku xigtay Naby Keita, Sadio iyo Victor Moses.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan abaalmarintan helo..” ayuu yir Mohamed Salah oo 25 sano jir ah, wuxuuna sheegay inuu dareemayo inuu sanad wacan ku jiro.
Salah ayaa hadda horyaalka Ingiriiska ka dhaliyay 13 gool, isagoo hoggaanka u haya gool dhalinta, wuxuuna dalkiisa u soo saaray ciyaaraha adduunka ee ka dhici doona Russia 2018.