Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa maanta ka dhacay doorasho adag socoto magaalada Jowhar.
Kursiga beesha Xawaadle/ Agoon ayaa waxaa ku loolamay musharixiinta kala ah: C/llaahi Goodax Barre, Maxamed C/llaahi Garguurte, Bile Iidle Sabriye, Muqtaar Xuseen Afrax.
Wareegii koowaad markii uu dhammaaday ayaa waxaa goobta tegay ciidamo ka socda kuwa ammaanka oo sheegay in Guddiga Doorashada Hirshabeelle uu amray in la joojiyo doorashada kursiga Beesha Agoon Cabdalle oo muran ka taagan yahay.
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo taageeraya Musharax C/llaahi Goodax Barre ayaa isna amray in doorasahda ay sii socoto, isagoo ciidamo kale geeyay goobta doorashada.
Natiijadii wareegii koowaad ee Doorashada ayaa noqotay:
C/llaahi Goodax Barre: 22 cod
Bille Iidle Sabriye: 19 cod
Maxamed C/llaahi Nuur: 10 cod.
Mukhtar Xuseen Afrax: 0 Cod
Doorashada ayaa wareega labaad gashay iyadoo Guddiga Doorashada uu qaadacay in doorashadaasi socon karto kadib markii madaxweynaha Hirshabeelle lagu eedeeyay inuu bedelay ergadii rasmiga ahayd ee Dooroshada kursigan.
Wareega labaad ayaad natiijadii noqotay in C/llaahi Goodax Barre ku guuleytay 32 Cod.
Kursigan ayaa lagu wadaa inuu ka mid noqdo kuraasta muranka ka tagaan yahay ee Guddiga Doorashada ay laalayaan natiijada kasoo baxeysa.
Goobjooge.com